Joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya waxa uu si muuqata u billowday kaddib Abaartii & gaajadii wada-socday ee kadhacay Waddanka sanadkii 2011, abaartaas oo ay ku laammaansanayd collaad iyo dagaal kadhan ah jiritaanka xukuumadda Soomaaliya ayaa xaaladda sii calwisay hayeeshee xukuumaddii MW Shariif Sh. Axmed Waxa ay xoojisay xiriirka iyo wada-shaqeyntii kaladhexeysay Turkiga, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo 19 August 2011 oo booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ayaa ballanqaaday hagaajinta iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Turkiga ayaa martigeliyey dhowr shir oo kusaabsanaa wadahadalka Dowladda dhexe iyo maamulka Somaliland, kaddibna waxa uu billaabay in uu taageero ciidanka xoogga dalka iyo Booliiska Soomaaliya, siyaasadda Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo si xooggan u aaminsan midnimada iyo Wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xoogga taageeridiisa u jiheeyey dhinaca xukuumadda dhexe isaga oo Wadashaqeyn iyo taageero u fidiyey maamulada Somaliland iyo Puntland.
Sanadkii 2011 Soomaaliya waxa ay kamid noqotay 5ta dowladood ee ugu sarreeya ee ka faa’iideysta Kaalmada iyo gargaarka Turkiga, hay’adda Iskaashiga & Iskuxirka (The Turkish Cooperation and Coordination Agency -TIKA) oo ka shaqeysay magaalada Muqdisho ayaa fududeysay in xiriirka labada Waddan u gudbo heerka Iskaashi, iyada oo kaalmada inteeda badan u rogtay in labada Waddan isdhaafsadaan xiriir iyo iskaashi laba-geesood ah. turkish-aid-agencies-in-somalia
Kaalmada Turkigu waxa ay kaalinta koowaad iyo xooggeedaba isugu geysay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo bulshada sida horumarinta caafimaadka, Waxbarashada, xoojinta awoodaha dowladda iyo taageerada tooska ah ee miisaaniyadda Soomaaliya si dib u dhiska dowladd Soomaaliya u xoogeysto.
Sida lagu sheegay cilmi-baarista Kaalmada Turkiga ee Soomaaliya: Halista & Fursadaha Nabad-dhisidda Soomaaliya (Turkish aid agencies in Somalia Risks and opportunities for building peace) Turkiga waxa loo arkaa in ay uga dhega-fudud yahay uga diyaarsan yihiin Soomaaliya deeq-bixiyeyaasha kale marka la eego joogteynta taageerada iyo kaalmada horumarinta iyada oo ay jirto nabadgelyo xumida Waddanku.
Furitaankii Saldhigga Millateri ee Turkiga.
Furitaanka Saldhigga Millateriga ee ugu weyn Saldhigyada Turkigu ku leeyahay meel kabaxsan Waddankiisa iyo Safaaraddiisa Muqdishowba waxa ay Waddamada ku loolama geeska Afrika u muujiyeen in Turkigu Soomaaliya ka dhiganaya Albaabka uu ka soo gelayo Afrika, Recep Tayyip Erdoğan madaxweynaha Turkiga ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee isaga oo xilka haya taga ama booqda Soomaaliya Aug-2011 kaddib madaxweynihii Mareykanka George Herbert Walker Bush oo Jan-1993 booqasho kuyimid Soomaaliya.
George Bush oo xilli-madaxeedkiisu dhammaad ahaa waxa uu dhiirrigelinayey islamarkaana indha-indheynayey howlgalkii Rejo soo celinta ee Mareykanku hoggaaminayey oo xilligaas ka socday Soomaaliya, inkasta oo howlgalkaasi ku dhammaaday fashil iyo ciidankii Mareykanka laga daadgureeyo magaalada Muqdisho haddana waxa uu horseeday howlgalkii UNISOM ee QM ku taagereysay Soomaaliya.
Booqashadii Muqdisho Ra’isalwasaare Recep Tayyip Erdoğan ee magaalada Muqdisho waxa ay irdaha u furtay Kaalmo bani’aadminimo, Dhaqaale iyo horumarinta Turkiga ee Soomaaliya oo xilligaas lagu sheegay mid aan xad lahayn, taas oo horseedday in labada Dal ay saxiixdaan heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxaana ku lammaansanaa kaalmada Turkiga taageero horumarineed oo leh dhinacyo badan.
Dhinaca Waxbarashada Turkigu waxa uu Jaamacadihiisa u furay ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qalinjebisa Iskuulada iyo Jaamacadaha Waddanka isaga oo marsiiyey taageeradaas Barnaamijkiisa deeqaha Waxbarashada.
Saldhigga Millateriga Turkiga ee magaalada Muqdisho oo ah kan ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel kabaxsan Dalkiisa waxa uu kuyaal Koofuta Muqdisho qiyaastii 13 KM ayuu u jiraa caasimadda, bedkiisu waxa uu ku fadhiyaa 4KM, dhismihiisuna waxa uu qaatay laba sano oo dhammeystiran, lacagta ku baxday dhismihiisa waxaa lagu qiyaasay 50 Milyan oo Dollar, waxa lagu billaabay 200 oo Saraakiil tababarayaal ah oo katirsan ciidanka xoogga dalka Turkiga oo loo qorsheeyey in ay tababaraan islamarkaana diyaariyaan 10 kun oo Askari oo Soomaali ah.
10 sano kaddib booqashadii Ra’isalwasaare Recep Tayyip Erdoğan sida uu sheegay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yılmaz Turkigu waxa uu weli u diyaarsan yahay sii wedista Taageerada iyo Iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya isaga oo si gaar ah u xoojinaya ganacsiga, Nabadgelyada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, Ganacsiga, iskaashiga caalamiga ah & Isdhaafsiga xirdaha
Dhinaca Nabadgelyada iyo taageeridda howlgalka ciidanka dowladda Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo kaqaybalay munaasabad Khamiis 27-Aug-2020 ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Ankara ay joogteyneyso taageerada Muqdisho, danjiraha oo kahadlay munaasabadda uu Wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya kula wareejinayey 12 Baabuur oo ah gaadiidka gaashaaman oo loogu talagalay in ciidanka Soomaaliya u adeegsado fulinta howlgalladiisa kaladuwan ayaa muujiyey sida ay Dalkiisa uga go’an tahay taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.
Jamhuuriyadda Soomaaliya Lixdameeyadii waxa ay xiriir la yeelatay awooddii ballaarnayd ee Midowga Soofiyet, sidaas awgeed waxa ay ka heshay tababar, hub iyo Waaya-aragnimo weyn oo mar kadhigtay dowlad ciidan ahaan awood leh, haddaba Turkigu ma yahay Awoodda ay Soomaaliya kaashan kartaa kaddib Midowga Soofiyeet?