Shirkadda Diyaaradaha Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday in duullimaad toos ah oo Muqdisho iyo Dooxa ah bilaabeysa 6-da September 2020 sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulka Shirkadda.
Diyaarad nuuceedu yahay Airbus A320 oo isku xirka Dooxa iyo Muqdisho Jabuuti ay doorteen maamulka Shirkadda Qatar Airways, maalmaha todobaadka ee Shirkadda duulimaadka sameyneyso ayaa kala ah Talaada, Khamiista iyo Axad.
Waxaa intaas dheer duullimaadyada kale ee Qaaradda Afrika oo ay Diyaaraddu ku tagi doonto iyada oo adeegsaneysa Hawada Soomaaliya waxaana kamid ah Magaalooyinkaas Addis Ababa oo Itoobiya ah, Darusalaam oo Tanzania ah, Djibouti oo Jabuuti ah, Kigali Rwanda, Kilimanjaro oo isla Tanzania ah, Nairobi oo Kenya ah, Tunis oo Tunisia ah & Jaziiradda Zanzibar ee Tanzaia.
Diyaaradaha ayaa kasoo kicitimaya Garoonka Hamad International Airport, waxaana ay adeegsanayaan habka ugu fudud ee isgaarsiinta Casriga ah, si Dooxa ay ugu xoogeysato qaaradda Afrika.
“Diyaaradda Qatar Airways waxa ay weli u heellan tahay bixinta isku xirnaanta caalamiga ah ee suuqyada guud gaar ahaan qaaradda Afrika, iyada oo la adeegsanayo bilowga goobo cusub oo ay weheliso dib u billaabid degdeg ah oo adeegyadii loo hakiyay musiibada awgeed dib loosoo celinayo. Waxa aan rajeyneynaa in aan kusoo dhaweyno rakaabkeena dib u bilaabashada duullimaadyada iyo sahminta meelo cusub oo aan soo kordhinayay oo Afrika ah” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Maamulka Shirkadda Qatar Airways.
Tan iyo markii Xayiraadda Covid-19 ka dhalatay ay soo rogeen wadamada caalamka si loo xakameeyo faafitaanka cudurka waxaa hakaday duullimaadyadii Shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryar oo lacago badan si maalinle ah uga helayaan rakaabka raaca.
Qatar Airways ayaa kamid ah Diyaaradaha isaga kala gudba Qaaradaha Caalamka, maamulka waxaa u diiwaangashan duullimaadyo ka badan 85 duullimaad oo toddobaadle ah, halka isku xirkooda guud uu ka badan yahay 550.
Saacadaha safarka waxa ay maamulku sheegeen in Muqdisho iyo Dooxa isaga kala gudbeyso Diyaaradda wixii ka dambeeya 1-da Duhurnimo waqtiga Geeska Afrika maalmaha Talaadada, Khamiista iyo Axadda oo ay jadwaleysteen.
Qatar Airways waxa ay tartan dhanka duullimaadka la galeysaa Diyaarado kala duwan oo soo caga dhigta Garoonka Aadan Cadde, waxaana xusid mudan in Xukuumadda Dooxa Hawada Soomaaliya ismaaleysay wixii ka dambeeyay markii ay xiriirka u jareen Dowlado kale oo carbeed.
Isha:- Travel Daily News