Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee Amisom Francisco Madera, labada masuul ayaa kawada hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb3 iyo Xiriirka ka dhexeeya Amisom iyo Galmudug.
Ciidamada Amisom kuwooda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa Galmudug ka jooga hal magaalo uun, taasoo ah Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo loo keenay arimo ku saabsan doorashadii Galmudug ee dhacday horaantii sanadkan.
Galmudug waxay ka mahad celisey taageerada AMISOM ay siiyaan Maamulkooda iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa Xoreynta Deegaanada Al Shabaab weli gacanta ugu jira.
Dhawaan ayaa Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid uu soo gaaray Muqdisho isagoo kulamo gaar gaar ah la qaadanayey Xubno katirsan Dawlada Dhexe iyo Beesha Caalamka kuwooda ku shaqeeya Caasimada Dalka Ee Xamar.