Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, si weyn ayaana loogu soo dhaweeyay.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacyo waxaana soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdi ladiif Muuse Sanyare, Xildhibaan Fu’aad Abshir iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Mudug Shukri Cabdi Cali.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa aya waxaa ay kasoo amb-bexeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoo halkaasi horay uu ugala soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
CC Shakuur ayaa dhawanahaan ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu kulamo la qaatay qayba kala duwan ee Bulshada Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Garowe uu kula kulmayo madaxweyne Deni ka hor inta uusan u soo duulin magaalada Muqdisho uu shir kaga qeyb galayo, waxaana wararka intaas ku darayaan in CC Shakuur uu taageero ka raadinayo maamul goboleedyada qaar.