Wafdi horudhac u ah Madaxweynayeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay maalinta Isniinta ah soo gaaraan Muqdisho si ay ula kulmaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilaalada gaarka ah Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in galabta diyaarad gaar ah ay kasoo qaaday Magaalaa Garowe ee Caasimada Puntland.
Labadda Madaxweyne ayaa kulamo looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan muranka doorashooyinka la yeelan doonna Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynayaasha ayaa magaalada Muqdisho ayaa kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka ee dalka,waxayna la kulmayaan madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.