Ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabril (Abwaan) ayaa shalay Sabtidii isku dayey in ay Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Nugaal, kala baxaan Maxbuus la sheegay in maxkamadda la horkeenay oo ku eedeysanaa dhac iyo Boob uu dadka ku hayey kana qaadanayey mobilka gacanta.
Ilaalada Gudoomiyaha oo watay mid kamid ah baabuurta dagaalka Ee Cabdi bilaha loo yaqaano ayaa tagey goobta, waxaana ay is hor istaag kala kulmeen Ilaalada Xaruntaasi kusugneyd.
Waxay sheegeen in aan la ogoleyn hub lala yimaado Maxkamaddu ayna shaqadeeda qabsaneyso, islamarkaana ilaalada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland isku dayeen in ay xoog kula baxaan, laakiin ay kahortageen ciidamada Asluubta.
Buuq kadib, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa gaaray Maxkamada, taas oo kaliftay in ay Ilaaladiisu goobta katagaan, qaar kamid ah Ilaalada ayaana loo xiray Kiiskaasi.
Lama oga go’aanka Garsoorka,Puntland ay kasoo saari doonaan dhacdadaasi iyo isku dayga fashilmay Ee Ilaalada Gudoomiyaha Wakiilada Puntland ku weerareen Maxkamada.