Madaxweyne-ku-xigeenka DG Galmudug, Cali Daahir Ciid oo maalmahan socdaal ku joogay magaalladda Muqdisho waxa uu Kulan la qaatay Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira.
Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka DG Galmudug soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu Kulan la qaatay Ambassador Francisco Madeira, kana wada hadleen Xiriirka AMISOM iyo DG Galmudug iyo qoddobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 ee laga soo saaray Qoddobo ku aadan Nidaamka Doorashooyinka.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Kulanka uu Cali Daahir Ciid la yeeshay Madaxa AMISOM looga hadlay sidii ay AMISOM taageero uga geysan lahayd inay DG Galmudug gacanta ku dhigto Ammaanka Guud ee Galmudug.
Dhinaca kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan waxa uu Kulan Casho sharf ah ku maamuusay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.
Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Gobalka Benaadir waxaa lagu xusay inKulankaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga DG Galmudug iyo Maamulka Gobalka Bnaadir iyo inay isweydaarsadaan Khibradaha Farsamo.