Madaxweynihii hore ee K/galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay abaabul ka dhan ah Dowladda Farmaajo,isagoo kulamo kala duwan la qaadanaya Waxgaradka iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada labada gole.
Shariif Xasan oo ah guddoomiye ku-xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sanado ka dib soo gaaray magaalada Muqdisho ka dib markii looga itaal roonaaday doorashadii K/galbeed, wuxuuna hadda wadaa qorshe uu ku diidan yahay in mudo kororsi dhaco,islamarkaana doorashada waqtigeeda aanay ku dhicin.
Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu kulan ka dalbaday madaxweyne Farmaajo si uu ugu gudbibiyo walaaciisa ku aadan inaan dalka qalalaaso loo horseedin,islamarkaana si rasmi ah loogu dhaqmo dastuurla, dalkana ay doorasho ka dhacdo.
Sidoo kale, Badweyntims ayaa ogaatay in madaxweynihii hore ee K/galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu ku casuumay madaxweyne Lafta-gareen.
Shariif Xasan ayaa ah siyaasi saameyn xooggan ku leh siyaasadda Soomaaliya wuxuuna hadda guddoomiye u yahay Xisbiga Horusocod oo ay ku mideysan siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka.
Dalka ayaa ku jira marxalad kala guur ah oo doorasho loo wada hanqal taagayo,waxaana socda kulamo siyaasadeed oo shaqsiyaad saameyn leh lagu kala jiidanayo.