Waxaa muddo bil ka badan ay dowladda Soomaaliya tahay Ra’iisal wasaare iyo xukuumad rasmi ah la’aan, iyadoo dalku marayo xaalad kala guur ah oo xasaasi ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo laba toddobaad ah kusoo magacaabay Ra’iisal wasaarihiisii koowaad ayey hadda ku qaadatay in ka badan bil, iyadoo weli ay muuqato in madaxweynuhu doonayo inuu dib usii dhigo magaaabidda Ra’iisal wasaaraha inta heshiis laga gaarayo Doorashada dalka 2020/2021.
Xogta la helay ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo uu kulan gaara ugu yeeray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh 25-kii bishan Ogost, iyadoo kulankaasi uu madaxweyne Farmaajo ku qanciyey Guddoomiyaha inuu waqti dheeraad ah u baahan yahay si uu Ra’iisal wasaaraha u magacaabo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahin Muudey ayaa isbaheysi siyaasadeed la leh Madaxweynaha, waxayna wadajir u rideen Ra’iisal wasaarihii hore, iyadoo xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka aanay wax fadhiyo ah yeelan tan iyo intii la riday xukuumadii hore.
Lama oga in Guddoomiye Mursal inuu is-fahamka dhex maray Madaxweynaha uu horgeyn doono Golaha iyo inay noqon doonto heshiis hoose oo madaxweynaha muddo gaaban ku magacaabi doono Ra’iisal wasaaraha.