Waxaa marxalada kala guurka Dalka ku jiro laga baqanayaa in isbadelo waa weyn ay kasoo baxaan,iyadoo lasoo tebinayo Puntland ay ku dhici karto Siriq C/weli Gaas Hore udhigay balse isaga ku guuldareystay 6 Sano ka hor.
July 30 2014, ayaa Xukuumadda Federalka Soomaaliya, oo Beesha caalamka kaashaneysa ku dhawaaqday maamul u sameynta Galmudug.
Xukuumadda ayaa isku keentay Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale (Qeybiid), Madaxweyne Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleer) iyo Sheikh Ibraahim Sheikh Xasan Guureeye.
Hindisahaas oo Beesha caalamka u saxiixeen Danjire Michelle Cervone (EU), Danjire Maxamed Cadbi Affey (IGAD), Danjire Nicholas Kay (UN) iyo Danjire Lydia Wanyota Mutende (AMISOM) ayaa waxaa diiday Madaxweyne Abdiweli M. Ali Gaas.
Abdiweli, ceeb iyo siyaasad xumo ayaa ka raacday diidmadii dhismaha Galmudug. Waxaaba dhacday in Galmudug, dastuurkeeda ku qorato in ay leedahay ilaa degmada Burtinle, oo gobolka Nugaal, la tirsan.
Aakhir Galmudug, waa hirgashay oo wataa maanta Galkaacyo, wada joogaan Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Qoorqoor, oo iskaashiga kala saxiixanaya.
Madaxweyne Abdiweli Gaas, talaa maalintaas seegtay oo dhismaha Galmudug, in uu soo dhaweeyo ayey ahayd. Hayeeshee, waxuu ka doortay ilaa Gaalkacyo, la isku dilo 2015 in uusan aqbalin Galmudug.
Madaxweyne Deni, in uusan isku howlin hor istaaga matalaadda gobolka Banaadir, ayaan talo ku siin. Si kaloo loo garnaqsadaa jirtee ee talo ha warsado dadka ehelka u ah amuurtaas.