Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Siciid C/llaahi Deni ayaa wada qorshe ay ku fashilinayaan sharciga doorashooyinka Qaranka iyo Xeerkii ay meel mariyeen Baarlamaanka ee ku aadanaa matalaad siinta gobolka Banaadir.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horjeeda qaabka ay u dhacday codeynta Xeerarkaas iyo qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka leedahay,waxayna wacad ku mareen ineysan u socon doonin Villa Soomaaliya.
Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka kana soo jeeda Puntland ayaa si cad u diiday ansixinta matalaadda gobolka Banaadir iyo qaabka loo qeybsaday kuraasta,waxayna cabasho ka dhan ah arrintaas u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo ka carooday Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ugu ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu 13 Xubnood ku yeesho Aqalka Sare ayaa sheegay inay ka codsanayaan Xukuumadda Madaxweyne Deni ee Puntland in ay ka ku dhawaaqdo madax-baani.
Hadalkooda ayaa yimid kadib markii xildhibaanada kasoo jeeda beesha Harti Daarood ee u jira baarlamanka Soomaaliya ay ku fashilmeen isku daygii ay ku hor-istaagi lahaayeen xuquuqda gobolka Banaadir.
Waxaa laga digayaa inuu dalka galo khalalaaso siyaasadeed oo sababi karta in amniga uu xumaado iyo in la sii kala fogaado.