Waxaa laga cabsi qabaa in khalalaaso siyaasadeed oo ka dhasha go’aankii guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka uu galo dalka,waxaana arrintan si adag kaga hadlay hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalka.
Xukuumadda Nabad iyo Nolol ayaa u muuqata mid rayidii ay la hayd a dhabeysay ka dib markii shalay Xaliimo yareey ay ka hor cadeysay Golaha Shacabka nuuca doorasho ee Qof iyo cod ah u baahan yahay waqti dheeri ah oo loogu daro Hay’adaha dastuuriga ah.
Hoggaamiyaha Xisbiyada Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hor yimid warka kasoo yeeray Guddiga Doorashooyinka Qaran ee dalka, isagoo sheegay inay sii ogaayeen muddo kordhinta ay doonayaan Guddiga.
“Khudbada Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn. Mar haddii masuuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen waa in ay is casilaan..” ayuu yiri C/raxmaan Shakuur oo ka digay inay gudidgan qalalaase dalka ka abuuraan.
Guddiga Doorashada Madaxda Bannaan ee Qaranka oo shalay hor tegay Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey in Doorashada dalka laga qabto ay u baahan tahay 13 bilood oo gaari karta Ogost 2021.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo qoraal ka hor akhrisay Baarlamaanka ayaa caddeysay in sida sharciga Doorashadu dhigayo Doorasho loo maro habka diiwaangelinta dadka ay u baahan tahay 13 bilood oo ka bilaabata July 2020 ilaa Ogost 2012.
Marka laga soo tago hadalka Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ma jiro wax war ah oo kale oo ka soo baxay Xisbiyada kale ee mucaaradka sida Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Lix xisbi siyaasadeed oo dalka ka dhisan.
Beesha caalamka ayaa horay uga digtay in dib u dhac ku yimaado waqtiga doorashada,waxayna soo jeediyeen in madaxda Qaranka ay la tashi kala sameyso saamileyda siyaasadeed ee dalka.