Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda in ay leexiso ama ka hortimaado hanaanka doorashooyinka Qof iyo cod ah oo ka dhaca Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan Guddiga Madaxabannaan Doorashooyinka Qaranka ay tahay in laga difaaco dalka, meelna looga soo wada jeesto.
Geedi ayaa soo dhaweeyey 13Senator ee ay heshay gobalka Banaadir, wuxuuna sheegay in cid kasta oo diidan ay yihiin kuwa aan rabin dawladnimada Soomaaliya, xiligiisii ayuu sheegay in ay dhiseen Golaha Deegaanka Muqdisho oo doortay gudoomiye, balse uu kala diray nidaamkii ka dambeeyey oo caqabad u arkayay.
Qoraal kale ayuu maanta soo saaray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame isagoo ka hadlay Arimo Qarsoon oo dadka laga indho saabayo sida uu warka udhigay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR MAANTA SOO SAARAY
Xildhibaannadii markii hore muddo kororsi Villa Somalia la doonayey, markii 13-kii kursi la sheegay ayey qayliyeen, halka qoladii muddo kordhinta diiddaneed 13-kursi lagu aamusiyey.
Waa in la fahmaan dheesha Villa Somalia iyo Guddoonka Baarlamaanka ee 13-kursi lagu beddelanayo 13 bilood. Waana in Xisbiyada, Dowlad Goboleedyada iyo Aqalka Sare iska kaashadaan sidii shirqoolka muddo kororsiga looga hortegi lahaa, dawarqlkana qalalaase looga badbaadin lahaa.