Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ahna hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa wali ka hadlay xaqiijinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay shalay ansixinyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Badi siyaasiyiinta miizaanka ku leh masraxa siyaasadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabadaas,iyagoo ku tilmaamay mid loogu hiiliyay Shacabka saddexda milyan ka badan ee ku dhaqan gobolka Banaadir.
Dadka siyaasadda ku xeeldheer iyo Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa is-weydiinaya sababta wali uga aamusan yihiin madaxdii hore ee dalka soo martay sida Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariid matalladda loo helay gobolka Banaadir,maadama horay iyagu loogu eedeeyay iney u dayaceen.
Lama xaqiijin karin iney diidan yihiin iyo in kale,balse waxaa jira warar sheegaya in hoggaanka madasha ay qorsheynayaan iney soo saaraan warxaafadeed ay kaga hadlayaan guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo go’aankii Xaliimo yareey ka jeedisay baarlamaanka ee ku aadanaa mudo kordhinta ay u baahan yihiin in loo sameeyo muddo 13-bilood.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa si weyn u bogaadiyay go’aanka geesinimada leh ay gaaraan Baarlamaanka,wuxuuna uga mahad celiyay ansixinta matalaadda gobolka Banaadir.