Soomaalida ayaa ku kala aragti duwan guurka dadka qowmiyadaha kale ah. Marka gabar ama wiil Soomaali ah uu guursado qof aan Soomaali ahayn, waxaa billowdo hadal-haynta baraha Bulshada.
Qaar ka mid ah ayaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa:
Ilhan Cumar iyo Tim Mynett
Warbaahinta Fox News ee dalka Mareykanka ayaa ku soo warrantay in xildhibaanad Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.
Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.
“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.
Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.
Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.
Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.
“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhaan.
Waxay Ilhaan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.
Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore
Guurka lamaanahan ayaa dhaliyay hadal hayn iyo muranka badan oo baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay.
Idiris Elba iyo Sabrina Dhoore wuxuu arooskoodu ka dhacay Hoteelka Mandarian ee ku yaalla dalka Morocco bishii April ee 2019-kii.
Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhoore waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.
Ben Kitili iyo Aamino Mude
Bishii Nofembar ee sanadkii 2018, ayey isku guursadeen nairobi, balse hadda waxaa soo baxaya in ay kala tageen.
Soomaalida Kenya ayaa aad u hadal haysay guur dhex maray weriyahan u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo gabadhan Soomaalida ah.
Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka Ben Kitili iyo Aamina Mude oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, ilmana isu dhaleen.
Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka qayb galeen.
Laakin dood xoog leh ayey baraha bulshada ka dhalisay, taas oo sababtay in dadka ay si weyn ugu kala qeyb samaan.
Muddadii qarniga ahayd ee u dambaysay, Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale, guurka Ben iyo Aamina na su’aasha ugu weyn ee uu keenay ayaa ah sababta ay Soomaalidu guurarka qaarkood ugu arkaan kuwo caadi ah, halka kuwo kalena ay u arkaan in ay lid ku yihiin dhaqanka.
Iimaan iyo David Bowie
Sahra Maxamed Cabdulmajiid oo loo yaqaanno Iimaan, ayaa ah gabar Soomaali ah oo dharka xayeysiisa.
Waxay mar ka soo muuqatay heesta ‘Remember the time ee Michael Jackson oo sidoo kalena uu ku jiray jilaaga caanka ah ee Eddie Murphy.
Waxay is qabeen heesaagii geeriyooday ee Ingiriiska u Dhashay, David Bowie, 1992 – illaa bishii January 2016-kii oo ah xilliga uu dhintay Bowie.
Wakhtigaas ka hor, waxay u dhaxday Spencer haywood oo ahaa cayaartoy Maraykan ah oo Kubadda kolayga cayaari jiray, kaasoo ay is qabeen 1977 – 1987.
Iminka waa 63 jir, waxayna dhashay laba gabdhood.
Dr Xasan Shire iyo xaaskiisa Stella
Dadka magaca ku dhex leh Soomaalida ee ku faraxsan guurkooda ajaanibta waxaa ka mid ah Dr Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ha’yadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika.
Waxaa u dhaxda Stellah Akatukunda. Muddo ka hor ayaa labadooda magaalada Muqdisho loogu sameeyey xaflad weyn oo ay yimaadeen asxaab iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Guursiga ajaanibta ma aha wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga.
Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa.