Michael J Johnson waxaa uu leeyahay gar weyn oo xitaa gaarayo xabadkiisa, dadka qaar waxay garkiisa ku tilmaamaan ‘sida geesaha lo’da’ oo kale.
Xitaa ninka wuxuu garkiisa u horseeday in abaal marinno badan la guddoonsiiyo, waxaa uu afar jeer ku guuleystay tartanka garka ee qaranka Mareykanka.
Muddo siddeed sanno ah ayuu shaqeynayay xilli uu qabay garkan dadka badan ka yaabiyay balse haatan oo uu dunida saameeyay cudurka Corona waxaa laga yaabaa in garkan lagu qasbo in uu iska jaro maadama uu yahay qof shaqaale ah isla markaana uusan xiran karin maaskarada garka dartiis.
“Waxaan leeyahay garka ugu adag uguna dheer dunida” ayuu yiri Michael J Johnson.
Waxaa uu sheegay in dadka marka ay arkaan garkiisa ay siyaabo kala duwan uga hadlaan, sida in garkiisa uu yahay sida ‘Geesaha Gisida’ halka carruurta ay u arkaan ‘sida Moos labada dhinac ee wajiggiisa kasoo lusha”
Waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in garkiisa uu wakhti badan ku bixiyo si u hagaajiyo isla markaana uu usoo bandhigo quruxdiisa.
“Garka markii hore waan necbaa, ardeyda Iskuulkii aan la dhiganayay ayaa igu shactireysan jiray”
Waxaa uu ka sheekeynayaa dhibaatadii uu kala soo kulmay garkiisa “Maalin ayaan doonayay in sakiin aan kasoo iibsado dukaan balse waxay igu yiraahdeen qof da’ yar baad tahay, ma aysan dooneyn inay iga iibiyaan sakiinta”
Michael J Johnson ayaa sannadkii 2009 ku dhiiraday in uu ka qeybgalo tartanka qaranka ee garka ee dalka Mareykanka kaddib markii uu arkay sawirrada dadka garka leh oo la baahinayo.
Waxaa uu sheegay in maalin kasta “uu garkiisa howl ku bixiyo si uu uga dhigo mid siman oo muuqaal soo jiidasho leh”
“Ma ogaan kartid waxa aad daaysaneyso ilaa inta aad ka sameyneyso isku day ku addaan arrintaas” ayuu yiri Michael ‘MJ’ Johnson.
Haatan waa nin si weyn loo yaqaano maaddaama uu ku qeybgalay tartamo badan ay ka soo muuqdeen dadka leh garka qeyru caadiga ah balse waxaa uu ku rajo weyn yahay in guulo kale uu kasoo hoyiyo arrintani.
Michael J Johnson garkiisa kaliya ah uma adeegsado in uu dadka kaga qosliyo balse waxaa uu ka sameeya lacag.
“Runtii lacag ayaan ka sameeyaa”
Sannadkii 2011-kii, Johnson waxaa uu sameeyay naadi ay ku mideysan yihiin garleyda reer Minneapolis kuwaas oo bil kasta yeesha kulan ay uga hadlayaan dhaqankan iyo sidii ay ku xoojin lahaayeen tartamada ku saabsan garka.