Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye( Qoor-Qoor) iyo wafdi Ballaarran uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn heersare ah loogu sameeyey Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo ururada bulshada ayaa si wacan usoo dhaweeyey.
Shalay waxaa jirtay in Sawirada Madaxweyne Qoor qoor dad Careysan ay jeex jeexeen gudaha Caabud waaq xilligaas oo la baajiyey Safarkii uu halkaas ku tegi lahaa.
Khudbad uu jeediyey Madaxweynaha Galmudug markii uu tegay Maanta Caabuq waaq ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay Reer Caabud waaq usoo dhaweeyeen.