Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
Weerarka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,dadka deegaanka ayaa sheegay in saldhiga la weeraray ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Jubbaland.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkaasoo aan la xaqiijin karin.
Laamaha ammaanka ee degmada Dhoobley ayaa sheegay in weerarka ay iska caabiyeen, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse saacadaha soo aadan ay faahfaahin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.