Guddi la sheegay in loo xilsaaray Dhameeystirka Dastuurka, ayaa la leeyahay waxay Maanta sheegeen in Gobalka Banadir 7 Xubnood loogu darayo Aqalka Sare, laguna qeybin doono 4.5.
1.Marka hore Gudigu Xaqba uma leh, in ey ka hadlaan Arrinta Gobalka Banaadir, waxaa ka horeeyo in la dhiso Maamul Gobalku leeyahay oo uu isagu sameeystay oo kala hadalo Arrintaasi cidda ey khuseeyso.
2. Waa Af lagaado, Dulmi iyo yasid loo geeysanyo Dadka Gobalka.
3. Waa Bililiqo Nuuc cusub ah, Hurin Colaad daba dheeraato iyo ka fogaasho Xalka dhibaatada ka jirto Gubalka Banadir.
4. Waa Abuur Colaad iyo is neceyb loo sii aasayo Jiilka Mustaqbalka, Mid dhaxalkiisii lagu xudumayo Mid kale oo aan dhaxalka wax ku leheeyn.
5. Waa iga digniin, Dulmiga hala dhaafo. Sidaad Doonto u qaado. koleey Anigu Qof ahaan Dulmigaa ma taageerayo, Saamigeeyga asaasigaa ee wax qeybsiga waxaan ku leeyahay Galmudug.
6. Adigu waad taageeri kartaa Dulmiga, hadaad dantaada u aragto, Dammiir iyo Dadnimo ku celisana eynan jirin.
FG: Arragtidaada xur ayaad u tahay.
Qore: Yahya Amir