Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Golaha Shacabka BFS waxa ay sheegtay in dacwad ay ka gudbiyeen iyada iyo Xisbiyo mucaarad ah Sharciga Doorashooyinka dalka oo ay horay u ansxiyeen labada Gole ee BFS, isla markaana uu Saxiixay Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Fawsiya ayaa sheegtay in sharcigaan oo ay u codeeyeen Xildhibaanada Golaha ay katirsan tahay uu kasoo horjeedo Dastuurka Dalka, laguna deg degay in Labada Gole ee BFS uu ansixiyo, uuna saxiixin Madaxweyne Farmaajo.
“Maxkamadda sare ee Dalka waxaan geynayay dacwad ka dhan ah Sharciga Doorashooyinka dalka oo uu ansixiyay BFS, markii dambana uu saxiixay Madaxweynaha, waxa aan u aragnaa in uusan sharci ahayn oo uu kahor imaanayo Dastuurka dalka, Xuquuqda Muwaadinka iyo hab qaybsiga beelaha” ayay tiri Xildhibaan Fawsiya Yuusuf.
Waa ay sii hadashay waxa ayna tiri “Waa mid lagu deg degay oo aan laga sameyn ka fiirsi dheer, waxa uu kasoo horjeedaa Dastuurka cutubkiisa labaad oo dhan oo xuquuqda aadanaha, siyaasadda, Sinnaanta iyo tan wadaniga kasoo horjeeda, Sharcigaan waa mid isugu jira kan Yurub oo ah Horeeyaa wax hela iyo awood qaybsiga beelaha ee 4.5”.
Xildhibaan Fawsiya ayaa sheegtay in awood qaybsiga beelaha oo muddo lagu qaybinayay hay’adaha kala duwan ee Dowladda uu xaqiray dad badan, sidaas awgeed aan xiligaan mudneen wax lagu sii qaybsado.
Waxaa loo wada dhegtaayaa doorashada dalka ee waqti ahaan ku beegan dhammaadka sanadkaan 2020-ka ilaa bilawga Horaanta sanadka soo socda 2021-ka, waxaana caddeyn ilaa haatan nuuca Doorasho ee dalka laga hirgelinayo.
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka ayaa horay u sheegay in dalka ay ka hirgelinayaan Doorasho Dadweyne, inkasta oo aan jirin isbadal ay ku dhawaaqeen doorashadaas, balse waxaa shaki la gelinayaa in waqtigaan dalka ka dhici karto Afti dadweyne, iyada oo laga duulayo Duruufaha Amniga, Caafimaadka, dhaqaalaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwo kale.
Xildhibaanno u badan kuwa haweenka ah ayaa kolkii BFS uu ansixinayay kahor yimid sharciga Doorashooyinka, inkasta oo cod ahaan ay tiro bateen Mudanayaasha kale, sidaasina uu ansax ku noqday, looguna gudbiyay Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xildhibaannada ku hor saxiixay kolkii uu xirayay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka.
Bishaan June, waxaa labada Gole ee BFS hortagaya Guddiga Doorashooyinka Madaxa bannaan oo la wadaagaya Nuuca Doorasho, haddii uu isbadalay mowqifkoodii codeynta shacabka iyo shaki bixinta cabsida ku xeeran in ay qabsoomi karto Doorasho.
Maxkamadda sare ee Dalka xiligaan awood ma u leedahay in ay farageliso sharciga Doorashooyinka dalka, maadaama aysan jirin Maxkamaddii Dastuuriga ahayd ee howshaan gali lahayd?