Ciidamada Booliska G/Bari oo Fulinaya Awaamirta Ka Hortagista Xaalufka deeganka ayaa waxay Ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan Gaadiid waday dhuxul Sharci daro ah oo horay Puntland ay uga Mamnuucday in la Jaro Dhirta.
Taliyaha Saldhiga deegaanka Carmo ee Gobalka Bari Maxamuud Xasan Nuur Aden Oo gaadiidkan Ku qabtay deegaankaasi ayaa meel fagaaro ah Ku gubay dhuxushaan, iyadoo xabsiga Loo Taxaabay ilaa Shan qof oo dhuxushaas soo gelinayay Magaalada Boosaaso oo Ciidamada ay Ka hortageen.
Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bogaadin iyo Dhirigalin u diray Ciidankii ku guuleystay inay qabtaan dhuxushaan, isagoona sheegay in sharci la horgeyn doono dadka la soo qabtay