Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka ayaa war-Saxaafaded ka soo saaray mowfiqkooda ku aadan doorashada Soomaaliya ee horaanta sanadka soo socda ee 2021.
Xisbiyada oo “si taxadar leh” u soo dhaweysay hadalkii qabsoomida doorashooyinka ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ku baaqdey shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadda dalka.
War-xaafadeedka ay soo saareen Xisbiyada dalka ayay ku sheegeen in xalka Soomaaliya uu ku jiro in loo dareero goobaha cod bixinta si loo hormariyo wadada loogu gogol xaarayo dimoqoraadiyada wadankaan dhaca geeska Qaarada Afrika.
Qoraalkooda oo ka kooban 5 qodob ayay ugu digeen Golayaasha Dowladda in ay sameeyeen mudo kororsi hay’adaha dastuurka ee dalka.
Madasha ayaa ugu baaqday Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka in ay ogolaadaan in xisbiyadu xafiisyo ka furtaan Xarumohooda in ay u sameeyeen olole doorasho.
Waxa ay ku baaqeen in Gobolka Banaadir uu matalaad rasmi ah ka helo golayaasha Dowladda Faderaalka Soomaaliya.