Hoggaamiyayaasha dalalkasi waxay ku heshiisyeen inay dib u bilaabaan Wada-xaajoodkooda iyo inay Dowladda Ethiopia qorshaha ay bisha soo socoto ku buuxin lahaayeen Biyo-xireenka Weyn ee GERD.
Heshiiskaasi ayaa la gaaray, kadib, markii Kulan dhanka Muuqaalka oo uu Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika, ahna Guddoomiyaha sanadkan ee Ururka Midowga Afrika isugu keenay Madaxda dalalka Masar, Sudan iyo Ethiopia lagu gaaray Heshiiska dib-u-bilaabista Wada-xaajoodka.
Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi waxa uu sheegay inay saddexda dal ballan qaadeen inaysan qaadi doonin Tallaabooyin ilaa laga gaarayo Heshiiska Kama-dambaysta.
Ra’isul-wasaaraha Sudan, Cabdalla Xamduuk waxa isagaana sheegay in Guddi Farsamo oo saddexda dal bilaabi doonaan Wada-xaajoodka, iyadoo Ethiopia joojinayso buuxinta Biya-xireenka laga dhalinayo Korontada.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed waxa uu sheegay inuu Ururka AU-da hoggaamin doono Xal-u-heslista Khilaafka dalalkaasi .
Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed waxa uu Bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Ururka Qaaradda Afrika yahay goobta saxda ee looga hadli karo arrimaha khuseeya Qaaradad Afrika.
Dhinaca kale, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Ethiopia, Seleshi Bekele waxa uu Waaberigii hore ee saakayto xaqiijiyey in Midowga Afrika gacan ka geystay sidii ay saddexda dal dib ugu bilaabi lahaayeen Wada-xaajoodka lagu dhamaystirayo Khilaafka ka taagan Biyo-xireenka iyo saamiga biyaha ee Webiga Niil.