Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyey in Metaalada gobalka Banaadir ee Aqalka Sare ay noqoto 13 Senator, waxaana taasi ay meesha ka saaraysaa dood ay garwadeen ka ahaayeen dawlad gobaleedyada qaarkood.
Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa noqon doona 67 xubnood oo ay Banaadir yeelan doonto 13 Senator oo cusub, loona qeybinayo xubnaha ugu badan Beelaha Hawiye & Beesha Shanaad.
Ka Hor inta aan maanta Codka la qaadin waxaa jiray Xildhibaano Lacago ku bixinayey in arintaan meel marto taas oo ugu dambeyn dhacday.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay dadaal gashay in aan la helin Kooramka maanta, balse ugu dambeyntii 142 xildhibaan ayaa u codeeyey in Banaadir ay hesho metaaladan.
Tani waxay soo afjari doontaa Naqshad Mucaaradnimo lala rabay Lagu dhabar jebinayo Dawlada Madaxweyne Farmaajo,balse Markii taas lasiiyey Xildhibaanada ayaa gadaal ka toogasho kale dhacday.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday in Febraayo 2021 dhacdo ayaa la sheegay inay gaari doonto Bisha Agoosto 2021-ka kana dhigan Lix Bilood oo dheeraad ah in Villa Soomaaliya ku darsatay.