Muwaadin u dhashay dalka Sudan oo Qaxooti ku ahaa magaalladda Glasgow ee Gobalka Scotland ee dalka Britain ayaa wuxuu Tooreey ku dhaawacay dhowr qof oo uu ka mid yahay Wiil dhallinyaro Soomaaliyeed oo magangelyo-doon ahaa.
Qaxootiga u dhashay dalka Sudan oo ka mid ahaa Qaxooti deganaa Hotel loo kireeyey dadka Magangelyo-doonka ayaa la sheegay in la toogtay, kadib, markii uu ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiray Nin Boolis ahaa dhaawacay.
Dadka kale ee la dhaawacay waxaa kala ahaayeen afar Qaxooti oo da’doodu kala tahay 18-jir, 20-jir, 38-jir iyo 53-jir.
Askari 42-jir ah oo lagu magacaabo David Whyte ayaa la sheegay inuu dhaawac xun ka soo gaaray weerarka Tooreyda, wuxuuna Askarigu ku jiraa xaallad khatar ah, inkastoo ay Boliska sheegeen inay xaalladiisa deggan tahay.
Hoteelka uu ka dhacay Falkaasi oo lagu magacaabo The Park Inn Hotel waxa uu ka mid yahay 6 Hotel oo ku yaalla magaalladda Glasgow oo loogu tala-galay in la dejiyo ilaa 300 oo Magangelyo-doon ah, balse, xilligii uu weerarki dhacay waxaa la fahamsan yahasy inay 100 Qaxooti ku sugnaayeen gudaha Hotelkaasi.
Qaxootiga magangelyo-doonka ee ku nool Hotelka The Park Inn Hotel waxa uu qof kasta qaadan jirey 5 Geni maalintiiba, ka hor inta uusan Qaxootiga u dhashay Sudan kala dhex kicin Tooreeydii uu dhowrka qof ku dhaawacay.
Warar horey ayaa waxay sheegayaan in Ninka weerarka geystay ku guul-daraystay Codsigiisa Magangelyo-doonka ah.
Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, Boris Johnson waxa uu sheegay inuu kaxun yahay Shilkaasi, wuxuuna u mahad celiyey dadaalka geesinimada leh ee ay muujiyeen Shaqaalaha Adeega Gargaarka Degdega.