Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed oo maanta ka hadlayay banaan bax lagu taageerayay ansixintii Baarlamaanka ee matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa soo dhoweeyay sida ay Baarlamaanka uga jawaabeen in Gobolka Banaadir uu helo matalaad u qalanta.
Cumar Filish ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay marti gelisay Soomaaliya oo dhan, isagoo u mahadceliyay codsigii Madaxweynaha Soomaaliya u jeediyay iyo Baarlamaanka oo ansixiyay xuquuqdii Gobolka Banaadir.
“Baarlamaanku ayagoo dhageystay banaan bixii taageerada ayagoo fahamsan duruufta iyo culeysyada idin gaarka ah aad u dulqaadataan ayagoo fahamsan waqtiga hada lagu jiro ayay biseylkooda siyaasadeed ku ansixiyeen matalaada gobolka banaadir oo aan dhihi karo matalaad u qalanta”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan iyo magaalada dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan.
“Muqdisho waa hooyada magaalooyinka Soomaaliya oo dhan, waa hooyada calanka hortiina ka bananaya ee tilmaamaha shanta bixinaya hooyadood waa meesha kaliya ee dadka ku abtirsan shanta Soomaali aysan dareemin in laga leeyahay, lahaansho meesha ay joogaan ha joogeen waa meel ay ayagu leeyihiin inay joogaan, taas ayaa ah mida mudan in lagu qiimeeyo magaalada Muqdisho”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.
Banaan bixii maanta ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, Siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo dadweyne ka kala socda 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Anxiyay xeerka Matalaada Gobolka Banaadir oo ay soo diyaariyeen Guddi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Mooshin ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan kuwa Faderaalka suurta galisay in la kordhiyo oo laga dhigo 13 Senetor.
Xeerkaan oo doob badan dhaliyay ayaa waxaa ka soo horjeestay Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Maamuladda Jubbaland iyo Puntland waxa ayna ku tilmaameen mid ka hor imaanaya Dastuurka dalka u yaalla, iyaga oo Madaxtooyada Soomaaliya ku dhaliilay in ay ka soo shaqaysay qorshahan.