Maxamed Al-daahir Siyaalad Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Libya ee GNA ee ay QM aqoonsan tahay, waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay Dhigiisa Somalia, Axmed Ciise Cawad oo uu uga mahad celiyey Mowqifkii ay Somalia ka istaagtay Mashruucii Qaraarka ee laga soo saaray Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta Khadka Internet-ka ku yeesheen maalintii Talaadadii la soo dhaafay.
Qoraal la soo dhigay Barta Facebook-ga ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Libiya waxaa lagu xusay inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Libiya, Maxamed Al-daahir Siyaalat uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Somalia taageeradda Dowladda Libiya ee Shirkii Degdegga ahaa ee Ururka Jaamacadda Carabta ka yeesheen Xaalladda dalka Libiya.
Labada Wasiir Arrimo-Dibadeed ee Somalia iyo Libiya waxay kaloo Khadka Telefoonka kaga arrinsadeen Horumaradii ugu dambeeyey ee Xaalladaha Somalia iyo Libiya iyo sida loogu baahan yahay in la sii wado xiriirka labada dal iyo Danaha Guud ee Labada Shacbi iyo Iskaashiga La-dagaalanka COVID 19 ee Heerka labada dal ama Heerka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika.
Wargeyska Alwasad ee ka soo baxa magaalladda Tripoli waxa uu qoray inay Somalia ka mid ahayd 3-dii Waddan ee ka soo horjeestay qaar ka mid ah 14-kii qoddob ee Bayaankii Mashruuca Qaraarka ee ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Carbeed ka soo saareen Xaalladda dalka Libiya.
Dhanka kale Wargeyska waxa uu tilmaamay inay Somalia, Qatar iyo Tunisia laaleen Qaraarkaasi, kuna baaqay in la dhowro Midnimadda iyo Deganaanshaha Libiya, iyadoo ay Somalia ka biyo-diiday Qoddobadda 7-aad, 8-aad iyo 11-aad ee Bayaanka Carbeed ee laga soo saaray Arrimaha dalka Libiya.