Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka astaynta kursiga golaha shacabka oo maalimihii la soo dhaafay ay ka doodayeen Baarlaamka Faderaalka Soomaaliya.
Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee Afartii xeer oo ay soo gudbiyeen guddiga labada ee Aqalka ee Baarlamaanka u qaabilsanaa xeerka dhamaystirsa sharciga doorashooyinka ayaa waxaa ogolaaday 144 mudane.
Afar xildhibaan ayaa diiday ansixinta sharcigaan halka 2 mudane ay ka aamustay xeerkaan.
Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12aad ee maanta waxaa shirgudoomiyay Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka.
Ajandihii kulankii maanta ayaa ahaa;
1-Sii Wadida Ka Doodista Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka
2-Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xukumada Faderaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa laga dhagaystay 2-Akhrinta iyo 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan Dowliga ahayn.
Ugu dambayn Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo xiray kalfadhiga maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna ka dhigantahay in dhamaan la ansixiyay 4 xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu ka baayay xeerka doorashooyinka dalka.