waxaan ku iri: Subax wanaagsan Ow Abuukar Baalo, Qosol kadib waxa uu yiri: Saaxiibadu uma baahno inay Ambassador ama Professor isagu yeeraan ee ow Yaxyoow iska waran, Horta Subax kama ahan agteeyda ee ogaaw Ow Yaxyoow.
waxaan ku iri: Hambalyo, xilka culus ee iska xajhee, waa iga talo..waxa uu yiri: Ma ahan xil culus, haddii ey ahaan leheeyd Ku xigeenka Xoghayaha guud ayeey dhib badnaa leheyd, tani waa Ku xigeenka Kalfadhiga 75aad oo kaliya, si fudud ayaana u gudan karaa xilkaan.
Waxaan ku iri:Jamciyadda Quruumuhu ma ahan Jiiradii Jowhar ee aan joogi jirnay iyo Kulelkii Jowhar ee aan Ardayda ka wada aheeyn ee Dadaal waan kugu ogaaye Horuu soco.
waxaan ku iri, waxaad tahay Qofkii 4aad ee Somaliya ee xilkaa qabta, Hore waxaa u soo qabtay Xassan Nur Cilmi, Cabdirizak Xaji Xussein iyo Axmed M.Adan Qeybe. kalfadhigii 18 ee 1963-64. kalfadhigii 34aad ee 1979-80 ,kalfadhigii 41aad ee 1986-97 iyo kan hadda ee Kalfadhiga 75aad ee 2020-21 ee Adiga laguu magacaabay.
waxa uu yiri: Si fiican ayaad ii taqaan tan ha iiga cabsan, hambalyadana waa kaa gudoomay, ee Caruurta ka waran.waxaan ku iri :waa faayaan, Dadka joogo Xamar ayeeyna wax la qabaan. waxa uu yiri: Habeen wanaagsan.waxaan iri: Adna waad khaladay markaaga, Habeen kama ahan agteeyda ee waa Subax, ar sug, yaana hilmaamine, isma naqaan laakin Hambalyada iga gaarsii Amb. Volkan Bozkir Ninka Turkiga ah ee isagana Lagula doortay iyo Shacabkiisa Maalmahaan Turkigu Qaraabo ayuu noqdee.
Maxaad sugee, intaa kabadan miyaan is dhihi leheeyn, maya, Mobile -ka ayaan ka maqlay, Kuguma filno haraagaago, Fadllan……………, maba sii waramin jaaw, jaaw. New York yeeyna Lacagta Moble -ka iga dhameeyn ee Habeen iyo sabax wanaagsan.
Mar kale Hambalyo Ayaan leeyahay Saaxiibkeey Amb. Abukar Dahir Osman ( Abukar Ballo), Aniga oo isku wakiilay inta ka nool Ardaydii College kii Jowhar ee aan i wakiilan.
qore: Yahya Amir