Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa u jawaabay hadal kasoo yeeray Senator C/raxmaan Faroole iyo Senator C/risaaq Jurille oo ku saabsanaa metalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.
Prof. Cali Geedi oo si soo dhoweeyay 13-ka xubnood ee G/Banaadir laga siiyey Aqalka Sare, ayuu dhinac kale nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin dano gaara leh oo kasoo jeeda Puntland inay lasoo isaagaan saxaafadda in Gobolka banaadir aanu mudneyn metelaad, isagoo si toos ah u tilmaamay C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Jurille.
“Waa nasiib drro Siyaasiyiin dan gaara leh oo ay kow ka yihiin siyaasiyiinta kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Puntland saaxiibaday senator Faroole iyo Jurille iyo kuwa la hal maala inay saxaafadda ka soo istaagaan gobolka Banadir ma mudna wax metalaad ah, waxaan hubaa shacabka Puntland inaysan wakiil uga ahayn fekerkaas, ma garan karo waxa ku kalifay inay sidaas u dhaqmaan,,. waxaana kula talinayaa inaysan ka harin geedi socodka..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi…
https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v7.0
Cali Geedi oo u jawaabay Senator Faroole
Cali Geedi “Saaxiibadeey Senator Faroole iyo Senator Jurule in ay lasoo istaagaan Gobolka Banaadir ma mudna wax ma talaad ah,ma garan karo waxa ku kalifay in ay sidaa u dhaqmaan odayaashaa”
Posted by Official Somali Cable on Tuesday, June 30, 2020