Bani’aadanka kuwii noolaa xilligii nabi Ciise ( CSW), kuwii ka horreeyey iyo kuwa maanta nool waa isku mid dhinaca dareenka sida jaceylka, naceybka, xasidka, xishoodka, garashada, ku dhiirashada xumaanta iwm waxa isbedel keliya waa sharuucda dowladaha ay dhigteen ee lagu xakameeyo qofka danbiilaha ah.
Mareykanka oo ah maanta wadanka dunnida ugu dhaqaalaha badan, ugu aqoonta badan dhinaca horumarka Tiknoloojikada, filamdiisa dunnida oo idil laga daawado, filimadaas oo si dadban u gudbiya Xadaarada iyo horumarka Mareykanka ayaad waxaad arkeysaa weli sida qofka madow loo liido, booliisku sida fudud u dilaan, halka ninka caddaanka ah la dhowro lagu deg degin dhibaateyntiisa.
Askariga Booliiska caddaanka ah marka nin madow arko wuxuu noqdaa sida Bisad aragtey jiir. Isma xakameyn karo. Dareen naceyb iyo yasid is huwan baa qaada. Dhalinyaro caruur ah oo sii jeeda bey dhabarka xabad ugu dhufteen. Nin madaw oo gacmihiisa kor u taagaya ayey toogteen. Nin gaari saaran oo yiraahdeen soo dhiib warqadaha gaariga lagu kaxeeyo oo markii uu isku dayey in uu soo saaro ayey toogteen iyaga oo ku eeddeeyey in hub la soo baxayey waxeyna ku hor dileen xaaskiisa. Dhacdadii hadda ugu danbeysey ninka madow ee isdhiibey ee aan dhaqdhaq karin ayey inta surka Jilib laga saarey nafta laga qaadey asaga oo baryootamaya ( ma neefsan, ma neefsan karin, fadlan fadlan….).
Dhacdooyinka aan soo xusey waa kuwo yar oo la duubey. Maalin walba ayey Mareykanka ka dhacaan dhacdooyin cunsiriyad iyo naceyb xambaarsan oo Booliiska caddaanka ku kacaan. Dunnida wax ka xun ma laha qof dareeskii ciidanka iyo awooda dowladnimo kugu dhibaateynayo.
Waxaa caddaatey in horumarka, ilbaxnimada iyo aqoonta in dadka qaarkii ka dhigeynin qof wanaagsan oo leh naxriis bani’aadannimo. Naceybka qofka xun sharci adag keliya ayaa lagu xakameyn kara, waa in uu naftiisa u baqaa.
Ilyaas Mohamud Hussein