Kulan Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Guddiga xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19 waxa ay kaga arrinsadeen xaaladaha fayruska ee Gobolada Dalka oo saacadihii lasoo dhaafay kiisas kala duwan la diiwaangeliyay.
Xubnaha Guddiga ayaa soo jeediyay in laga fakiro sida loo yareyn karo halista xannuunka oo saameyn taban ku yeeshay caafimaadka dad badan, kuwo ayaa u geeriyooday halka shaqsiyaadka qaarkood lagu arkay calaamadaha lagu garto balse sugayo in la baaro.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre oo shir Guddoomiyay kulanka guddiga Qaran ee xakameynta Covid-19, waxa uu warbixin ka dhageystay xubnaha Guddigaas si ay ugu tala-qaataan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka laga helay.
“Shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta safmarka COVID19 waxaa lagu go’aamiyay in gargaar caafimaad oo dheeraad ah si degdeg ah loola gaaro gobolladda dalka, si loo badbaadiyo dadka uu cudurku soo ridanayo loona xakameeyo faafidda safmarka” sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Guddiga.
Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku dhawaaqday kiisas horleh oo saacadihii lasoo dhaafay dalka laga helay, waxa ay soo jeedisay in la qaato talooyinka loo arko in lagu xakameyn karo isu gudubka cudurka.
Dhanka kale Soomaaliya waxaa laga diiwaan geliyay guud ahaan 1916 xaalado dad laga helay Covid-19, dadka ka caafimaaday oo gaaray 327, halka ay u dhinteen 73-ruux, waxaana jira shaqsiyaad lagu arkay calaamadaha cudurka iyo kuwo looga shakiyay oo aan wali marin baaris caafimaad.