Qoryooley:-Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen nin oday ahaa.
Ninkaas ay dileen Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Xaaji Cumar ayaa ahaa 50 jir, waxayna ku toogteen deegaan hoos taga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.
Al-Shabaab ayaa ninkaas ku eedeeyay in uu ahaa saaxir shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana sidaas dadkii la isugu keenay fagaaraha lagu toogtay marxuumka ka hor sheegay nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa marar badan sidaan oo kale dad siyaabo kala duwan deegaanada ay maamulaan ugu toogteen,waxayna dadkaasi ay dileen u soo jeediyaan eedo ay ka mid tahay Basaasnimo.