Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa iney ciidamo geyso magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle,halkaas oo laga dareemayo khilaaf u dhaxeeyo madaxda ugu sareysa maamulkaas.
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa inoo xaqiijiyay in kulan gaar ah oo madaxtooyada ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre lagu gorfeeyay xaaladda Hirshabeelle iyo xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro,waxayna madaxda dalka isku raaceen in faragelin deg deg ah lagu sameeyo Xaaladda Hirshabeelle ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad-na la geeyo.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa loo xilsaaray xaaladda Hirshabeelle,islamarkaana si deg deg ah tallaabo u qaaday si aanay uga sii darin Khilaafka iminka soo ifa baxay.
Mooshino iska soo horjeeda ayaa la qabtay,waxaana is haya madaxtooyada Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka,kuwaas oo isku haya awooda maamulka oo la kala maroorsaday.
Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle,waxaana laga cabsi qabaa haddaan faragelin lagu sameyn in dhibaato laga dhaxlo.