War ka soo baxay Taliska Mareykanka Africom gelinkii dambe ee isniinta waxay kaga hadleen duqeynta ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya oo waayihii dambe warar soo baxayay ay sheegayeen in dad rayid ah ay waxyeelo gaarsiineysay.
Warkaan ayaa yimid kadib markii Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay sheegtay inay heyso cadeymo kala duwan sida Muuqaal, Sawirro iyo xiriir ay la sameeyeen ehelada dadka wax ku noqday duqeymaha Mareykanka.
Horay ayuu Taliska AFRICOM ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaas, wuxuuna sheegay inay baaris ku sameynayaan wararkaas, iyaga oo warbixintooda faah-faahinta duqeynta ku daray inay baareen isla markaana dadka shacabka waxyeelo gaarin.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in duqeyntooda oo aan bartilmaameed u ahayn rayidka ay dhibbane u noqdaan, isaga oo qiray in shacab ay wax ku noqdeen mid kamid ah howlgaladooda Soomaaliya.
Duqeynta ay qirteen AFRICOM waxay dhacday Bishii Febaraayo, waxaana weerarkaan uu ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose, Mareykanka ayaa dafiray jiritaanka rayidka ay waxyeeleen balse way qirteen.
“Nasiib darro laba qof oo rayid ah ayaa lagu dilay seddex kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo 23-ka Bisha Fabraayo ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu yiri taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Stephen Townsend.
Taliyaha wuxuu intaa ku daray in weerarada Mareykanka iyo Saaxiibadood Soomaaliya ay yihiin xubno katirsan Al-Shabaab oo ay dabagal dheeraad ah ku sameeyaan xogtooda, kadibna ku rida duqeynta qorsheysan.
Mareykanka ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu ka fiirsanayo bixinta macluumaadka la xiriira weerarada ay geystaan illaa inta ay ka xaqiijinayaan in shacab waxyeelo gaartay, maadaama ay ku kordheen cabashooyinka kaga imaanaya Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha.
Hay’adda Amnetsy International waxay dhankeeda ka sheegtay duqeynta uu Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya in lagu dilay 1 qof oo beeraley ah iyo 1 qof ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Isgaarsiin Hormuud.
“Saaxibbada Soomaaliya waxaan u haynaa ixtiraam aad u sarreeya, waan uga mahad celineynaa wada shaqeynteena, waxaana ka xunnahay dhacdooyinka rayidka ay wax ku noqdeen oo ah mid aan ula kac ahayn” ayuu yiri taliyaha AFRICOM.
Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa bilihii Febaraayo iyo Maarso kordhiyay weerarada cirka ah ay ka geysteen Soomaaliya iyo Liibiya, waxaana 91-duqeyn oo ay sameeyeen waxyeelo gaarsiisay dad rayid ah iyo shaqsiyaadkii Bartilmaameedka u ahaa howlgalka.
Warsaxaafadeed AFRICOM oo hoos ka aqriso:-