Dhawaan ayeey aheyd markii si lama filan ah looxiray Cisbitaal Erdogan Ex Digfeer uu joojiyay gabi ahaan shaqooyinkii uu haayay kadib markii ay DFS isku fahmi waayeen wadahadalo qarsoon oo usocday,
Kooxda ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo ayagoo kaduulayo dib u dhiga Doorashooyinka Qaranka 2020/2021 waxaay bilaabeen ineey ka faaideystaan xanuunka caabuqa Coronavirus COVID-19,
Wasaarada Caafimaadka XFS ayaa wadahadal la furtay Maamulka Sare ee cisbitaal Erdogan (Digfeer) ayagoo uso bandhigay in lagu soo wareejiyo bukaanada xaaladooda caafimaad ay aad u darantahay gaar ahaan kuwa ku jira qeybta ICU,
Maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa diiday dalabkaas una sheegay Wasarada Caafimaadka XFS hadii ay fuliyaan dalabkaas ay dhimaneyso sumcada Dowlada Turkiga oo howlo gargaar ka wada Dalka Soomaaliya,
Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa soo faragaliyay arrintaas si toosna awaamir uga soo saaray fulinta soojeedinta Wasaarada Caafimaadka XFS,
Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo layaab ku noqotay habdhaqankaas aykala kulmeen DFS waxaay goaansadeen ineey joojiyaan shaqooyinkii aywadeen,
Dowlada Soomaaliya waxaay sido kale cadaadis saareen dhamaan cisbitaalada ku yaal Muqdisho iyagoo ku amray bukaanada ku jira qeybta ICU ee xalaadooda darantahay lasoo badalo cisbitaal Martiini,
Iyadoo dalabka Wasaarada Caafimaadka XFS lafulinaayo waxaa si joogta ah Cisbitaal Martiini looso badalayay bukaanada xaladooda aadka uliidato ,
Cisbitaal Martiini oo aan oolin daawooyin tayo leh iyo qalab caafimaad oo la isku haleen karo ayaa kaliftay in ay ugeeriyoodan bukaanadii losoo badalay, sababo daryeel xumo.
Xalay 9 bukaan ayaa ku geeriyootay cisbitaal Martiini kadib markii ay korontada ka tagtay cisbitaalka maadama bukaanada ay ahayeen kuwa suuxsan kuna neefsanayaa qalabka oxygen ka taaso aan shaqeyneynin koronto la’aan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si arxan daran kana fog nidaamka dowladnimada kula kacaya dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir maadama ay ku noolyihiin qowmiyada uu ugu neceb yahay Soomaalida,