Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta utaagan Madaxtinimada Soomaaliya Doorashada 2020/2021 waxaa la sheegay in ay diidan yihiin Hanaanka Dawlada ay wax uwajaheyso.
Murashaxiin kasoo jeeda Beesha Mudulood oo utaagan Xilka Hogaaminta Dalka Sanadka dambe ayaana waxay ka digeen Halis qarsoon.
Daahir Maxamuud Geelle ayaa soo noqday Wasiirkii hore Warfaafinta Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay hadda ay dareemayaan Dawladihii Deeqaha Caawinaada bixin jiray ay hakiyeen.
Mucaawinadaas la joojiyey waxaa la sheegay inay ugu wacan tahay markii Dalalkaasi qaar ay sheegeen in qudhooda Covid 19 la kufoo kacayaan.
Sidoo kale Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in Dalka ay ka jiraan Xaalado adag oo Cudur iyo Caafimaad daro ah.
Waxa uu sheegay in Daadadka ku rogmaday qeybo ka mid ah Gobolka Gedo iyo Dhinaca Jasiiradaha Jubbooyinka ay Dad badan waxyeelo kasoo gaartay sidaa awgeena ay muhiim tahay in la is caawiyo isagoo fariin udiray Dawlada Dhexe,Beesha Caalamka iyo Dadka wax heysta.