Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ku howlgalla Magaca AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku dhex-maray deegaanka hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Hoosingow,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal saac oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaastii ay isku ridayeen labada dhinac,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama Ciidamada Kenya aysan ogoleyn in loo dhawaado Saldhigooda.
Maamulka deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiisha Ciidamada Kenya weli kama hadlin dagaalkaas,waxaana bil gudaheed uu yahay dagaalkii labaad ee ka dhaca Saldhiga Ciidamada Kenya ee Hoosingoow.