Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo & Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan Xaaladaha bini-adanimo ee ka jira gobolada qaar ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargeliyay Ra’iisal wasaare Kheyre in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay Fatahaadaha iyo daadadka ay saameyn ku yeesheen,kuwaas oo xilligan gurmad deg deg ah u baahan.
Wuxuu si gaar ah madaxweynaha uga dardaarmay shacabka Baardheere oo xilligan wajahaya xaalado oo dhanka nolosha ka dib markii uu ku soo fatahay Wabiga Jubba.
Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa Beesha caalamka ka dalbaday iney si gaar ah uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka ay fatahaadaha iyo daadadka saameyn ay ku yeesheen