Sida aan xog ku ogaanay waxaa lasoo sheegayaa in Heshiis uu dhexmaray Ra’iisal Wasaaraha Dalka mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkii hore Ee Arimaha Gudaha Soomaaliya C/kiriin Xuseen Guuleed.
Heshiiska ayaana si faah faahsan loo ogeyn qarashka ku baxaya,balse Guuleed ayaa loo magacaabay sidaan ogaanay Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabo Ee Doorashada Kheyre oo Madaxweynaha isku soo taagaya.
In Gudoonkaas loo gacan geliyey Guuleed kasokoow waxaa la leeyahay waxa uu dhabar jebin ku yahay aqbalitaanka arintaan hadii ay cadaato Saaxiibadiis Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faarax Sheekh C/qaadir.
Madaxweynihii hore Ee Galmudug C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa waayihii dambe lagu xamanayey inuu dhanka Nabad iyo Nolol ujan jeeray balse dhawaan Wareysi laga qaaday waxa uu sheegay in uusan Mabda’ ahaan weli taageersaneyn Villa Soomaaliya.
Siyaasada oo ah sida garaan gar wareegta ayaan la ogeyn waxa isbadelay,iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu isha ku hayo Qorshaha Kheyre Ee Madaxweynaha isku soo taagayo.
Qeybta Maaliyada Ololaha Doorashada Murashaxnimo Ee Xasan Cali Kheyre waxaa heysta Malkiilaha Telefishinka Tusmo iyo Raadiyaha Sahal Ee fadhigeedu yahay Muqdisho,waa C/qaadir Jaahweyn.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto Damaca Doorasho Ee Madaxweynaha uu rabo RW Kheyre,xilli Doorashadaas Qawaamuur badan ay isha kuwada hayaan.