Fahad Yaasiin ayaa sii daayay maxaabiis loo heysto falal argagixisinimo,kuwaas oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,kuwaaso oo qaarkood xukun sugayaal ahaa.
Ilo ku dhow Taliyaha Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin ayaa inoo xaqiijiyay in taliyaha amarkiisa lagu sii daayay raggan ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo qaarkood dilal qorsheysan iyo Qaraxyo ka geystay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa mudo ka meer meeray amarka lagu siiyay inuu sii daayo ku dhawaad 10-maxbuus oo ku xiran Xabsiga dhexe,kuwaas oo si gaar ah howshooda uu ula socday taliyaha Nabads sugida Qaranka Fahad Yaasiin.
Fahad Yaasiin ayaa lagu tiriyaa inuu yahay mas’uuliyiinta ka go’da talada dalka marka laga reebo Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo,wuxuuna sheeda kala socda howlaha Dowladda.
Sidoo kale, Taliyaha Nabad sugida Qaranka ayaa lagu eedeeyaa inuu xiriir hoosaad uu la leeyahay Al-Shabaab,wuxuuna mudo ka soo shaqeynayay Tv-ga laanta Af-carabiga ee Al-Jazeera.