Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha Madasha Xisibiyada Qaran Madaxweynihii hore ayaa tacsi ugu tagay qoysaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo Halgamaagii Soomaaliyeed Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo dhawaan ku geeriyooday dalka dibaddiisa gaar ahaan magaalada London.
Madaxweyne Shariif ayaa saxiixay buugga tacsida isagoo u duceeyey wuxuuna ka sheekeeyey doorkii ay ku lahaayeen u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in Nuur Cadde uu ahaa qof aan marna ka daalin qof in Qaranka soomaaliyeed uu ku biiriyo taladiisa wanaagsan, sidoo kale Sheekh Shariif ayaa booqdey Qoyska halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed weli looga baaha yahay inay sii wadaan halgankii wanaagsanaa ee lagu baadi goobayey Qaranimo Soomaaliyeed.