Dad badan ayaa Qoraaladeeyda iyaga oo aan fahmin “Comment” ka bixiyo, kuwa kale ayaa iyaga oo fahmay si kale ” Comment” uga bixiyo. kuwa kale ayaa fahmo oo aragtidoodu sida ey la tahay u cabirto.
Qaar ayaa ka cabanayo oo leh, marba Moowluuc ayaad u boodaa, waa runtood oo Nolosha ayaa u baahan in dhinacyo badan laga fiiriyo.
Marka aad akhrineeyso qoraalkeeyga, waxaa dhici karto in aan isku wax rabno oo aan jecelahay horuumarka Dalka iyo Dadka, Laakin aan ku kala duwan nahay Habka ey taasi u dhici leheeyd. Macnuhu ma ahan in aan Annigu saxanahay Adiguna aad khaldan tahay, Cagsigu waa suura gal.
Aan 7 aragti ku soo koobo ujeedada iyo is fahamka.
1. Marka aan wax qorayo waan ogahay in Adiga iyo Aniguba aan wada jecelnahay in Geed la abuuro, waxaa laga yaabaa in aan ku kala duwan nahay oo kaliya, xagee lagu Abuuraa ?. ( F.S: 1 & 2aad)
2. Waan wada jecelnahay in sharciga la wada ilaaliyo, Laakin Carrada dhismaha Xariga lagu xirayo ma celiyaa. Sharciya Cidda Dajinee ( Baarlamaanka) iyo cidda Fulinee Sharciga ( Dowlada & Heyadaha kale ), mar kasta ma saxan yihiin, xaq ma u leenahay in nala fahamsiiyo, Aragtina aan ka dhiibano. xarig yar bacaad ma celiyo ( F.S: 3aad).
3.Yaan dib loogu noqon Jidkii Shalay aan ku khasaarnay. ( F.S: 4aad)
4.Tuugada hala joojiyo, inteed u sii wadaa xoolaha ummadda hore iska fiiri?. (F.S: 5aad).
5. Dhalin yaro, Maskaxdaada fur, yeeyna noqon mid Dad gaara oo ah Ajnabi ama Somali u xiran. Noqo Muslim /Somali ah oo Maskaxda xur ka ah. ( F.S:6aad)
6.Ha noqon, mid wax yar Weel ama jeebka loogu shubay, kadibna loo isticmaalo in lagu ilaashado Danno gaar ah.( F.S: 7aad).
7. Qoraagii Masaarida ee caanka ahaa Aniis Mansuur ayaa yiri: (Qofkii aan Mabda leheeyn, Sharaf la’aan ayuu dhintaa). Dowladaha Caalamkuna haddeyna mabaadii’ ey dhowraan eyna leheyn waa la mid.
Qoraalka Dano kale kama lihi, ee aan Aqoon wadaag noqono, Aniguna aan ka faa’iido aqoontaada, waxaan hubaa Adiga hadda Qormadaan aqrinayo wax badan oo aad taqaan in aanan Anigu aqoon.
hadda ma is fahamnay. Sawirada la kaasho.
Qore: Yahya Amir