Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa raadineysa qorshe dagaal ay ku qabsato degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe,madaxweynaha Jubbaland.
Ciidamo isugu jira Haramcad iyo Gor Gor oo ka baxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa la sheegay iney ku sii jeedaan degmadaas,inkastoo aysan sahlaneyn iney si dhib yar ah ku gaaraan degmadaas oo Al-Shabaab ay meelo badan u xiran tahay.
Dowladda Federaalka ayaa horay ugu fashilantay qorshe ay ku dooneysay iney ciidamo ku geyso degmada Dhoobley,islamarkaana ay lacag iyo xil ku qanciso saraakiisha Jubbaland eek u sugan degmadaas.
Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya,waxayna Beesha caalamka quus ka tahay sidii arrimhaas xal looga gaari lahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay ineysan aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee uu ku soo baxay Axmed Madoobe.