Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa soo dhoweeyay guusha laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug,taas oo sababtay in saddex madaxweyne ay ka soo baxaan.
Mr. Deni ayaa ku ammaanay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf tanaasulka uu u sameeyay shacabka Galmudug,sidoo kalena wuxuuna ku ammaanay madaxweyne Qoor Qoor tallaabada geesinimada leh ee uu u qaaday dhanka horumarka iyo midnimada Galmudug.
Hadalka madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa u muuqda mid uu ku aqoonsaday maamulka cusub ee Galmudug ee uu horboodayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor,kaas oo markii hore aysan ka hadlin doorashadiisa.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay kaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb inuu tanaasulay,islamarkaana Galmudug ay mid tahay lana taageero madaxweynaha haatan ee Qoor Qoor.