Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa xalay ku hoydey Magalaada Galinsoor ee G/Galgaduud.
Mr.Xaaf ayaa la flayaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah in uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isaga oo la flayo inuu halkaasi kula kulmey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Wararkii ugu Dambeeyay ayaa waxay sheegayaan in munaasabad kooban Magaalada Dhuusamareeb dhawaan lagu qaban doono,taas oo uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah la galay madax ka ttirsan dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug,sidoo kale wuxuu Gaalkacyo kula kulmey Xildhibano ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaas oo ugu dambeyn ku qanciyey inuu tago Magaalada Dh/mareeb.
Dhanka kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xalay wuxuu la kulmey Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gelinsoor,isaga oo kala hadley arrimo dhowr ah, iyadoo Dhuusamareeb laga dareemayo imaanshaha Xaaf oo muddo ku dhow sanad ka maqan,kadib markii ay is khilaafeen Hoggaankii Ahlusunna oo ay ka wada tirsanaayeen Maamulka Galmudug.