Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dr. C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye inuu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horey u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.
C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.
Dhanka kalr magacaabista xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda ganacsiga ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli Baraha bulshada lagu faafiyey Warbaahinta qaarkoodna ay qoreysay inuu Xabsi guri ku yahay Magaalada Baydhabo.