Oday 55 sano jir ah oo magaalada Fürth ee gobolka Bayern degan ayaa shalay asigoo qaawan soo istaagay Balkonka gurigiisa, kadibna bilaabay halkaasi inuu lacag ka daadiyo.
Dad deriskiisa ah ayaa boliiska wargeliyay, boliiska markii ay yimaadeenna lacagtii inay wadada ka aruuriyaan ayay bilaabeen.
Lacag 27,000€ (Labaatan iyo todobo kun oo Yuuro) gaareyso ayuu odayga Balkonka ka daadiyay, nasiib wanaagse boliisku lacagtii oo aanan shilin ka maqneyn ayay dhulka ka heleen, kadibna bangiga odayga ayay geeyeen oo Koontadiisa ayay ugu shubeen lacagtii.
Odayga wuxuu ahaa nin xoogaa yar madaxa looga jiro, oo Isbitaal ayaa la geeyay asigana.