Maanta oo ah 7-da April waa maalinta Qaramada Midoobay ay u gooni yeeshay Caafimaadka Adduunka, waxaana sanad waliba lagu soo bandhigaa heerarka caafimaad, isbadalada iyo sida wax looga qaban karo.
Waxaa lasoo bilaabay xuska maalintaan 1948-dii, kulankii ugu horeeyay ee Golaha Caafimaadka Adduunka (World Health Assembly) loona soo gaabiyo (WHA) waxa uu qabsoomay 1950-dii, fadhiga ayaa lagu go’aamiyay in sanadkiiba maalin loo gooni yeelo maalinta caafimaadka adduunka oo la isku raacay 7-da April.
Howlwadeenada Hay’addu waxa ay si joogto ah usoo gudbiyaan warbixinada caafimaad dalalka kala duwan ee caalamka oo ay ka howlgalaan, waana la isku duwaa si loo baaro Khubarada WHO la shaqeeya.
Sanadkaan waxaa dunida saameyn taban ku yeeshay Cudurka Coronavirus oo kasoo aas-aasmay Dalka Shiinaha una gudbay 197 dal, waxaana muddo saddex bilood kahor uu ku koobnaa Wuhan oo China ah, halka dadka Magaaladaas ay ka bogsadeen.
Sida ku cad diiwaangelintii ugu dambeysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee loosoo gaabiyo WHO, waxaa la keydiyay kiisas gaaraya 1,347,803 (Hal Malyan, Saddex afartan iyo todob kun, sideed boqol iyo saddex) waxaa ka caafimaaday 277,402 (Labo boqol, todobaatan iyo todobo kun, afar boqor iyo afar ruux) halka ay u dhinteen 74,807 (Todobaatan iyo afar kun, Sideed boqol iyo todobo qof).
Wali intaa kuma eka oo daqiiqad waliba wuu sii kordhayaa kiiska sabab la xiriirta faafidda deg deg ah ee uu sameynayo Fayruska Corona, waana tan keentay in Hay’adda si toos ah tabin ugu sameyso si bulshada ay ula socdaan hadba waxa soo kordhay.
Madaxa WHO Dr. Tedros Adhanom waxa uu Musiibo saf mar ah ku tilmaamay Coronavirus 11-kii bishii hore Maarso, waxaana fayrusku waqtigaas kadib gaaray dad ku laba laabma tiradii uu waqtigaas u diiwaangashaneed Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay.