Soomaalida kunool Mareykanka ayaa si maalinle ah uga shaqeysta Wadista Gawaarida Xamuulka, tagaasida, Shirkadaha Nadaafadda, sidoo kale waxa ay u diiwaangashan yihiin Shirkadaha kala duwan iyo Ganacsiyo kala duwan.
Madaxweyne Trump ayaa soo rogay Amar lagu dhimayo Shaqaalaha ka howlgala xarumaha kala duwan, si loo yareeyo faafidda fayruska Corona oo laga diiwaangeliyay 367,758 ruux, waxaana wali jira dad la karaantiilay balse aan lasoo gudbin natiijada xaqiijinta Cudurka.
Soomaalida kunool Mareykanka ee shaqo la’aanta heysato ayaa isugu jirto labo qaybood oo kala ah, kuwa Shirkadaha ay ku wargeliyeen in ay joogaan Xaafadahooda, halka qaybta kale si iskood ah u go’aansadeen in ay shaqada ka joogsadaan sabab la xiriirta in uu haleelo Covid-19.
Yusuf Cabdi Khaye oo ah xisaabiye kana howlgala Gobolka Virginia waxa uu sheegay in dadka shirkadahooda ay soo fasaxeen in ay lacag magdhaw ah leeyihiin, halka kuwa iskood isaga tagay aysan xuquuq ku lahayn marka la eego sharciga dalkaas.
Isaga oo la hadlay VOA waxa uu sheegay in Sharciga Dowladda Federaalka Mareykanka ay saxiixday uu xuquuq siinayo shaqaalaha uu saameynta taban ku yeeshay Cudurka iyo amarka ka dhashay.
“Si loo dhimo culeyska cabsida faafidda Corona waxaa la dhaqangeliyay amarka dadka lagu faray in ay guryahooda joogaan, Dowladdu waxa ay dharaan-dhirisay qaabka looga badbaadayo dhibaato dhaqaale iyo niyad jab ku yimaada Xoogsatada, waana tan keentay in lacag ay u qoondeyso” ayuu yiri Yuusuf Cabdi.
Cabdulqaadir Salaad waxa uu kamid ah Wadayaasha Tagaasida, Mustaqbal waxa uu u sheegay in uu ku sugan yahay Hoygiisa, maadaama kiisaska Fayruska ay sii kordheen, warbaahinta Dowlada dadka lagula wadaagayo wacyigelin caafimaad.
“Waxa aan joognaa Xaafadaha, Tagsiile ayaan ahaa, si maalinle ah waxa aan u heli jiray lacag aan ku maareeyo nolosha qoyskeeda oo Mareykanka degen iyo ehelkeyga oo Soomaaliya jooga, lama dhaqaaqi karo oo waxaa nalagu amray in aan ku nagaano xaafadaha, waan ku qasbanahay in aynu qaadano go’aankaas” ayuu yiri Cabdulqaadir Salaad oo kamid ah Soomaalida Mareyankanka kunool.
Mareykanka waxaa kunool Soomaali badan, waxaana ay ka shaqeeyaan Xarumo kala duwan, amar lagu faray in ay guryahooda joogaan oo uu soo saaray Madaxweyne Donald Trump.
Kala sareynta dalalka ugu badan ee waxyeelada u geystay Covid-19 Mareykanka waxa uu kasoo galay kaalinta koowaad.